Barnaamijka afuri walaal oo ay iska kaashadeen ganacsatada gobolka Banaadir iyo qaar kamid ah shirkadaha kajira dalka oo ay ugu horeyso shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ayaa maanta waxaa kafaa’ideesatay 2,600 oo ah qoysas danyar ah oo kunool ilaa shan degmo oo katirsan gobolka Banaadir.
Gargaarka ayaa isugu jiray bur, bariis, sokor, saliid, iyo timir lagudoonsiiyay qoysaska danta yar ah oo kukala nool degmooyinka Hodon, Howl wadaag, Wardhiigley, Waabari iyo degmada Xamar Jajab ee gobolka banaadir waxaana dadka kafaa’ideystay ay ahaayeen qooysas danyar ah oo aad ugu baahi qabay maadaama lagu jiro bisha barakeysan ee ramadaan.
Madaxa hay’ada Salaam hormuud foundation Cabdullaahi Nuur Cusmaan oo ka hadlayay xarunta degmada Hodon oo kamid ahayd goobahii deeqda lagu qeybinayay ayaa sheegay in deeqdan ay qeyb katahay barnaamijka afuri walaal oo ay iska kaashanayaa gudi ka kooban ganacsatada gobolka Banaadir iyo qaar kamid ah shirkadaha kajira dalka.
Cabdiraxmaan Cabdullaahi Galaambi oo ah gudoomiye kuxigeenka rugta ganacsiga iyo warshadaha Soomaliyeed oo isna goobta kahadlay ayaa sheegay in barnaamijka afuri walaal loogu talagalay in ay kafaa’ideestaan 10,000 oo qoysas danyar ah kuwaasi oo kukala nool 17-ka degmo ee gobolka banaadir.
Gudoomiyaha degmada hodon ee gobolka Banaadir Cabdi Xakiin Dhaga Juun oo isna goobta kahadlay ayaa sheegay in deeqdii gudiga afuri walaal ay soo gaarsiiyeen degmada hodon ay kafaa”ideesteen dad dan yar ah oo kunool degmadiisa kuwaasi oo si aad ugu baahi qabay.
Barnaamijka afuri walaal waxaa horay ugasoo faa’ideestay ilaa sideed degmo oo katirsan gobolka banaadir kuwaasi oo isku geentooda kadhigaysa marka lagu daro 5-ta degmo ee maanta kafaa”ideesatay ilaa 13 degmo oo katirsan gobolka banaadi iyadoo laguwado in degmooyinka harsan iyana sida ugu dhaqsiyaha badan loogaarsiiyo gargaarka
Hay’ada salaam hormuud foundation iyo salaam bang ayaa door weyn kaciyaaraysa barnaamijka afuri walaal oo ay iska kaashanayaan ganacsatada gobolka somaliyeed.