Allbanaadir.com
NEWS

Iska hor imaad khasaaro geestay ka dhacay Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Iska hor imaad khasaaro geestay oo u dhaxeeyay ciidamada maamulka degmada Kaaraan iyo maleeshiyaad hubeesan ayaa maanta ka dhacay Xaafada lagu magacaabo Bambacoole ee katirsan degmada Kaaraan.

Goobjooge ku sugan xaafada iska hor imaadka ka dhacay ayaa Warbaahinta u sheegay in la isku qabsaday dhul ku yaalay goob jid ah oo la dhisanayay sidaana isku dagaaleen ciidamada amaanka iyo maleeshiyaadka hubeesan.

Inta la xaqiijiyay hal qof ayaa ku dhintay iska hor imaadkan halka ay ku dhaawacmeen labo qof oo kale, waxaana wali lasoo sheegayaa in ay taagan tahay xiisada ka dhalatay dhulka la isku qabsaday.

Degmada Kaaraan ay joogaan maleeshiyaad hubeeesan ayaa marar badan waxaa ka dhacay iska hr imaad salka ku haya dhul la isku heesto iyo sidoo kale isbaarooyinka iyo dhismayaal lacago sharci daro ah laga qaadayay.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Villa Somalia oo shaacisay afar qodob oo looga hadlayo Shirka DF & dalalka Safka hore

Caydiid Ali

Dagaal ganacsi oo ka dhex qarxay Milkiileyaasha Shirkaddaha Twitter iyo Facebook

Caydiid Ali

Taliban oo Basbaas u adeegsatay Haween banaan bax ka dhigay Kabul (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---