Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare Kheyre oo amar cusub siiyay Guddiga ka hortagga COVID-19

Ra’iisul Wasaara Xukuumadda  Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa gudoomiyay shirka ay isugu yimaadaan guddiga kahor taga iyo xakameynta Caabuqa Caronavirus.

Kulanka Guddiga ku yeesheen dhinaca internetka ayaa diirada lagu saaray xaaladihii ugu dambeeyay ee cudurka Caronavirus iyo sidoo kale saameynta ka dhalatay fatahaadyada wabiyada ka sameeyeen qaar kamid ah gobolada dalka.

Xasan Cali  Kheyre ayaa Xubnaha Guddiga oo u badan Golihiisa Wasiirada  ayaa ku amray in la isku dhinac wado dadaallada xakameynta faafitaanka COVID-19 iyo gurmadka loo sameynayo dadka ay saameeyeen fatahaadaha ka dhashay wabiyada iyo roobabka.

Dowlada Soomaaliya ayaa ku mashquulsan sidii loo xakameyn lahaa cudurka Caronavirus ee kusii faafaya Soomaaliya iyo sidoo kale fataahyada ay sameeyeen qaar kamid ah wabiyada oo saameyn ku yeeshay deegaano badan.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidamada Danab oo hoygiisa ku dilay nabadoon caan ah, Meydkiisana horey u qaatay

Caydiid Ali

DEG DEG: Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Maqaayad ku dhow Villa Somalia

Caydiid Ali

Dagaal caawa ka dhacay degmada Luuq & xaalada oo kacsan

Caydiid Ali
Taboola Ads ---