Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Horyaalka K/Cagta Premier League ee dalka Ingiriiska oo dib loo bilaabayo

Horyaalka Kubada cagta Ingiriiska ayaa dib loo bilaabayaa ka dib kulan Kooxaha Premier League-ga ay shalay ku yeesheen internet-ka oo maqal iyo muuqaal ahaa.

Waxay kaga wadahadleen qaabka loo soo gabagabeyn lahaa xili ciyaareedka 2019/2020 ee haatan socday.

Waxyaabaha laga wada hadley ayaa waxaa ka mid ah in kulamada dhiman lagu qabto garoomo dhexdhexaad ah intii taageerayaashu tagi lahaayeen hadba garoon.

Qorshaha waxaa ka mid ah in ilaa 10 garoon lagu qabto horyaalka marka dib loo bilaabo ayaa lagu yidhi warar ka soo baxay kulankaasi.

Premier League-ga ayaa sidoo kale u baahan doona illaa iyo 40 kun oo qalabka baaritaanada si ciyaartoyda iyo shaqaalaha kooxaha loogu sameeyo baaritaan haddii ay noqoto si loo dhamaystiro 92 ciyaarood ee dhiman, kuwaasi oo lagu ciyaari doono garoomo albaabadu u xiran yihiin oo aan wax taageerayaal ah soo xaadiri doonin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Shirkadaha Isgaarsiinta dalka oo soo saaray War Saxaafadeed Xasaasi ah (Akhriso)

Cabdi Cade

Itoobiya oo si rasmi ah ula wareegtay Xoghayaha guud ee urur goboleedka IGAD

Caydiid Ali

Jilaaga ugu Mushaharka badan dunida & qoyskiisa oo laga helay COVID-19

Caydiid Ali
Taboola Ads ---