Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Jubbaland oo sharci daro ku tilmaantay arrin DF ka sameysay gobolka Gedo

Wasiirka arrimaha gudaha iyo dowladaha hoose ee Dowlad Goboleedka Jubbaland Gen. Maxamed Warsame Darwiish oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa waxa uu kaga hadlay xaalada gobolka Gedo, isagoo sheegay in Dowladda federaalku ay gobolkaasi ka abuureyso jahwareer siyaasadeed.

Wasiir Darwiish ayaa sheegay in arrimaha muddooyinkii danbe ka socday gobolka Gedo ee ay gadaal ka riixeyso Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay yihiin kuwo sharciga baalmarsan.

Waxaa uu wasiirku talaabo guracan ku tilmaamay in qaar kamid ah Guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Gedo xilka laga qaado kuwo cusubna la magcaabo, waxaana uu sheegay in Dowlad goboleedka Jubbaland ay aqoonsantahay Guddoomiyeyaashii ay wasaaraddu u magcowday degmooyinka gobolkaasi.

Wasiirka ayaa dhanka kale Dowladda Federaalka uga digay iney ka fiirsato arrimaha ay ka wado gobolka Gedo, gaar ahaan wasaaradda arrimaha gudaha Dowladda Federaalka ayuu wasiirka ka dalbaday in ay arrimahaasi wax ka qabato.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Kumanaan ka tirsan ciidanka Ilaalada Qaranka Maraykanka oo la geeyey Washington (Sawirro)

Caydiid Ali

RW Khayre oo kormeeray xarumo ku yaalla Magaalada Kismaayo (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

RW Khayre oo Muqdisho ku qaabilay Madaxa arrimaha dibeda ee Midowga Yurub (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---