Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Wasiirad Fowsiya: “Kiisaskii ugu badnaa COVID-19 ayaa maanta dalka laga helay”

Wasaaradda caafimaadka xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa maanta xaqiijisay in dalka laga diiwaan geliyay 70 xaalado cusub oo COVID-19. Sedax bukaan ayaa cudurka ugu geeriyooday gobalka Banaadir, Puntiland iyo Somaliland.

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa warbixinta maalinlaha ah ee Feyruska Karoona waxay ku sheegtay in 48 kamid ah bukaannda cusub ay rag 22-na haween. 3 qofood oo cusub ayaa ka bogsooday xanuunka.

67 kamid ah bukaannada cusub waxaa laga diiwaan geliyay gobalka Banaadir, sedaxda-na waxay ku suganyihiin Somaliland.

Tirada xaaladaha COVID-19 ee wasaaradda caafimaadku ay dalka ka diiwaan gelisay ayaa gaartay 670, waxaa cudurka ka bogsooday 34 Ruux. 31 ruux oo kale ayaana u geeriyooday.

Dowladda oo wadda dadaallo looga hor-tegayo laguna xakameynayo faafitaanka COVID-19, ayaa qalab caafimaad iyo dawooyin gaarsiisay dowlad gobaleedyada dalka si ay awood ugu yeeshaan la tacaalidda Feyruska Karoona.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wadahadalo cusub oo u furmaya Mareykanka iyo Taliban (Maxaa looga hadlayaa?)

Caydiid Ali

Ahlu Sunna oo bilowday Gor gortan cusub si ay u ogolaadaan Doorashada Galmudug

Cabdi Cade

Trump oo qarka u saaran in laga reebo doorashada Mareykanka ee sanadkan

Caydiid Ali
Taboola Ads ---