Allbanaadir.com
NEWS

Puntland oo beenisay War uu sheegay Wasiir katirsan Xukuumada Soomaaliya

Maamulka Puntland ayaa beeniyay in maanta diyaarado gar gaar waday oo ka degay magaalaa Garawe ay soo dirtay Dowlada federaalka Soomaaliya, xili masuul katirsan dowlada federaalka sheegeen in deeqda gar gaar ay dowlada dirtay.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland Maxamed C/raxmaan Dhabancad oo la hadlay Warbaahinta ayaa beeniyay in deeq gar gaar oo maanta lasoo gaarsiiyay maamulkooda ay soo dirtay dowlada federaalka.

Waxa uu sheegay Wasiirka in deeqdan gar gaar ee ka timid magaalada Muqdisho ay soo dirtay Hey’adda Qaxootiga Adduunka ee UNHCR, waxa uuna xusay in deeqdan lagu caawinayo dadkii ay waxyeelada kasoo gaartay fatahaadii Qardho.

Hadalka kasoo yeeray Wasiirka arimaha gudaha Puntland ayaa kusoo aadaya xili maanta magaalada Garawe ka sheegay Wasiirka Qorsheynta Xukuumada Soomaaliya in diyaaradaha deeqda geeyay Garawe ay soo dirtay Dowlada federaalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidamada dowladda iyo kuwa Deegaanka oo goordhaw la wareegay Deegaanka Ceelhuur

Cabdi Cade

(Daawo Sawirro) Guddoomiye Yariisow oo furay Barnaamij cusub oo laga hirgelinayo degmooyinka Muqdisho

Caydiid Ali

Xildhibaano badan oo maanta qaatay Shahaadada rasmiga ah ee Xildhibaanimo (Magacyada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---