Allbanaadir.com
NEWS

Kheyre oo ka hadlay naf-hurnimada Shaqaalaha caafimaad ee ku howlan Xakameynta Covid-19

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya (XFS) mudane Xasan Cali Khayre ayaa shaqaalaha caafimaadka dalka ku bogaadiyay dadaalka naf-hurnida leh ee ay ugu jiraan inay dadka Soomaaliyeed ka badbaadiyaan cudurka COVID-19.

Mudane Xasan Cali Khayre oo caddeeyay in guud ahaan howl wadeennada caafimaadka dalku ay aqoontooda, waqtigooda iyo naftoodaba ku bixinayaan sidii loo badbaadin lahaa bulshada intiisa kale, ayaa Allah uga baryay inuu caafimaad deg-deg ah siiyo howl-wadeeennada uu cudurku ku dhacay iyaga oo halista curudka ka badbaadinaya dadka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha oo munaasabadda xuska maalinta Shaqaalaha adduunka ee 1da May ugu habmalyeeyay dhammaan shaqaalaha Soomaaliyeed ayaa sheegay in dawladdu ay muhiimad gaar ah u siineyso xuquuqda shaqaalaha dawladda iyo dowrka ay ku leeyihiin horumarinta dalka.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa shaqaalaha dawladda kula dardaarmay inay qaybta uga aadan ka qaataan horumarinta iyo dadaallada dib u soo kabashada dalka, gaar ahaan inay qayb wayn ka qaataan dadaallada lagu xakameynayo cudurka COVID-19 ee dunida dhibaatada badan ku haya.

Related posts

Wasiir ka tirsan dowlada Britain oo Muqdisho soo gaaray, lana kulmay Madaxda AMISOM (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Axmed Madoobe oo ka hadlay xiisaada ka soo cusboonaatay Galmudug iyo Ahlu sunna

Caydiid Ali

Farmaajo oo Culees kala kulmaya Xil ka qaadista uu la damacsan yahay Cumar Finish

Cabdi Cade
Taboola Ads ---