Allbanaadir.com
NEWS

Qofkii ugu horeeyay oo Somaliland ugu dhintay Caronavirus iyo tirada dadka uu haleelay oo…

Wasaarada caafimaadka maamulka Somaliland ayaa xaqiijisay in qofkii ugu horeeyay deegaanada maamulkaasi uu ugu dhintay cudurka Caronavirus, xili ay sii kordhayaan dadka uu ku dhacayo cudurkaasi.

Wasiirka caafimaadka Somaliland Cumar Cali ayaa sheegay in nin dhalinyaro ah oo kunoolaa magaalada Boorame uu u dhintay cudurka Caronavirus, waxa uuna tilmaamay in ninkan kamid ahaa dadkii horey looga helay cudurka.

Waxa uu sheegay Wasiirka caafimaadka maamulka Somalilad in ay soo kordheen sadex kiis cusub oo cudurka Caronavirus, waxa uuna xusay in kiisaskan cusub la xaqiijiyay kadib dheecaano laga qaaday dadka laga helay.

Somaliland ayaa xaqiijisay in kiisaska cudurka Caronavirus ee laga helay deegaanadeeda ay gaarayaan 9-qof, waxaa u dhintay cudurkan hal qof halka sidoo kale ka bogsadeen sadex qof oo kale.

 

Related posts

Wararkii u dambeeyey qaraxyo lagu riiqmay oo ka dhacay Suuqa degmada Afgooye

Caydiid Ali

Daawo Sawirada: Gaas oo la Xisaabtamay Hay’adaha Caalamiga ee Puntland ka howlgala

Cabdi Cade

Hakan Çavuşoğlu & Wafdigiisa oo booqday saldhiga Turkigu ka dhistay Muqdisho (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---