Sawir laga soo qaaday Wasiirka waxbarashada dalka Sierra Leone ayaa baraha bulshada hadal heyn badan ka dhaliyay kadib markii uu shir kaga qeyb galay isaga oo dhabarka ku xambaarsan cunug yar uu dhalay.
Moinina Sengeh oo ah Wasiirka waxbarashada dalka Sierra Leone ayaa qaab muuqaal ahaan uga qeyb galayay shir , waxaana Wasiirka xiliga uu shirka ka qeyb galayay dusha ku xambaarsanaa wiil uu dhalay oo 10-bilood dhalan.
Wasiirka ayaa talaabadan uu qaaday ku sheegay in ay tahay mid wanaagsan oo la doonayo in raga kale sameeyaan, waxa uuna tilmaamay in muhiim tahay in raga caawiyaan xaasaskooda marka ay guriga joogaan.
“Waxaan leeyahay saaxiibbo badan oo aan waligood xafaayad ka baddalin cunugooda, carruur badan ayeyna leeyihiin, mana fahansana sida ay arrintaas suurtagal ku tahay,” ayuu yiri Wasiirka Waxbarashada Sierra Leone.
Sawirka laga soo qaaday Wasiirkan shirka ka qeyb galay isaga oo cunugiisa dusha ku xambaarsan ayaana hadal heyn badan ka abuuray baraha bulshada, waxaana dadku inta badan u muuqdeen kuwa aad u taageersan talaabada uu qaaday Wasiirkan.
Raga ayaa inta badan u badan kuwa ka faana caawinta xaasaskooda marka ay guriga joogaan haba u badnaadeene raga magaca leh sida siyaasiyiinta iyo ganacsatada, waxaa sidoo kale jira rag badan oo xili walba gacan siiya xaasaskooda lana haya caruurta.
W/Q Hassan Abdulle Nolow
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com