Allbanaadir.com
NEWSSOUTH WEST

Qarax saaka ka dhacay Magaalada Marko iyo faahfaahino ka soo baxaya

Qarax ayaa la soo sheegayaa inuu saaka ka dhacay magaalada Marko ee gobolka Shabeellaha hoose kaasoo jugtiisa laga maqlay xaafadaha magaalada intooda badan.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa oo loo adeegsaday miinada dhulka lagu aaso uu ka dhacay afaafka hore ee Maxkamadii hore ee Magaalada Marko.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in qaraxaas uu ku dhaawacmay hal qof oo shacab ahaa, kaasoo goobta marayay xilliga uu qaraxa dhacayay.

Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ayaa qaraxa ka dib halkaas gaaray kuwaasoo la sheegay iney howlgal ku soo qabteen dhowr qof oo looga shakisan yahay inay ka dambeeyeen.

Maamulka gobolka Shabeellaha Hoose iyo saraakiisha Ciidamada dowladda ayaan weli wax faahfaahin ah ka bixin qaraxa ka dhacay Magaalada Marko oo sida la aaminsan yahay ay ka dambeysay kooxda Al-Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Kheyre oo ka qeyb galay Casho Sharaf loo sameeyay Koox Yurub ka timid (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Dal albaabada u furay markab sida kumanaan tahriibayaal dalal kale laga soo diiday (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Maxaa ka soo kordhay xiisadii colaadeed ee saaka ka jirtay Magaalada Garoowe?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---