Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Qofkii ugu horeeyey oo degaanada Puntland ugu geeriyooday cudurka COVID-19

Maamulka Puntland ayaa xaqiijiyay in bukaankii ugu horreeyay gudaha Puntland ugu geeriyooday xanuunka COVID-19.

Marxuumka ayaa 21-kii bishan April ku geeriyooday degmada Galdogob ee gobolka Mudug kadib markii laga qaaday dheecaan si loo xaqiijiyo in uu qabo xanuunka Coronavirus.

Wasiirka Caafimaadka maamulka Puntland Dr. Jaamac ayaa tilmaamay in nin Oday ah oo looga shakiyay Variska baaritaankiisana lagu maqnaa uu geeriyooday hase’ahaatee la xaqiijiyay baaris kadib inuu qabay Corona.

Sidoo kale wasiirka ayaa sheegay in tirada dadka laga helay cudurka ee degaannada Puntland ay gaartay 11 ruux balse aysan jirin cid weli ka bogsatay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ra’isul Wasaare Xamse Barre iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo goordhaw gaaray Aadan Yabaal

Cabdi Cade

Diyaarado maanta warqado ku daadiyay qeybo kamid ah magaalada Muqdisho

Cabdi Cade

Xassan Shiikh oo diiday dalabyo ay hordhigeen Xildhibaanada Daarood

Caydiid Ali
Taboola Ads ---