Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Saldhigga ciidanka Maraykanka ee Jabuuti oo xanibaad lagu soo rogay (Sababta)

Sida laga soo xigtay wargeys wax ka qora arrimaha milatariga Saldhigga milatariga Mareykanka ee Jabuuti ayaa xayiraad lagu soo rogayaa kaddib markii laga helay kiiskii labaad oo cudurka COVID-19.

Warbaahinta RFI ee faransiiska oo warkan soo xigatay ayaa sheegtay in qofkii labaad oo ka tirsan milatariga Mareykanka ee saldhiggaas ku sugan la xaqiijiyay inuu qabo cudurka.

Qofka labaad ee cudurka laga helay ayaa laga qaaday dalka Jabuuti, arrintaasina waxay horseedday in xayiraad lagu soo rogo saldhigga.

Saldhiggan oo bixiya istiraatiijiyadda milatari ee guud ahaan bariga Afrika ayaa dhaqdhaqaaqyadiisa loo xannibayaa si loo yareeyo faafitaanka cudurka safmarka ah ee Covid-19.

RFI ayaa intaas ku dartay in Taliska Milatariga Mareykanka uu Talaadadii u diyaar garoobayay in xubnaha ka tirsan askarta ee magaalada Jabuuti daggan lagu xareeyo meel ka mid ah saldhigga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Midowga Yurub oo cunaqabateyn saaraya Wasiirro katirsan Isra’il

Cabdi Cade

Midowga Yurub oo digniin kama dambeys ah siiyey Israel iyo talaabo ay qaadayaan

Caydiid Ali

Cabsi ka taagan gudaha Sweden ka dib ka dib falalkii lagu gubay kitaabka Quraanka

Caydiid Ali
Taboola Ads ---