Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Deni oo Odayaasha degmada Qardho kala hadlay qodob Muhiim ah (Sawirro)

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta kulan la qaatay Nabadoonada iyo waxgaradka gobolka Karkaar, Kulanka ayaa looga hadlay xaaladda ka dhalatay fatahaadii ka dhacday Qardho.

Nabadoonada iyo Waxgaradka ayaa Madaxweynaha uga mahadceliyay sida ay Dowladdu uga jawaabtay illaa iyo haddana u maareynayso xaaladda dhacday, iyo imaanshaha Madaxweynaha ee Qardho.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabddullaahi Deni, ayaa la wadaagay Waxgaradka iyo Odeyaasha dhaqanka in Dowladda ay ka go’antahay sidii xal waara looga gaari lahaa togagga iyo meelaha kale ee fududeynaya in Biyahu soo galaan magaaladda.

Dowladda ayaa goor horeba bilowday qorshe loogu gurmanayo degmada Qardho, si wax loo gaarsiiyo dadkii uu noloshooda saameeyay daadkii iyo fatahaadii ka dhacday Qardho, waxaana uu hadda maraya qorshahaasi meel wanaagsan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Al Shabaab oo Weerar culus ku qaaday saldhig ay leeyihiin Milatariga Soomaaliya

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaare Kheyre oo Washington kula kulmay David Hale

Cabdi Cade

(Sawirro) Masuul 5 jeer laga celiyey garoonka Aadan cadde oo ugu dambeyn maanta ka dhoofay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---