Allbanaadir.com
NEWS

Haweeney lagu dilay magaalada Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Kooxo biskoolado ku hubeesan ayaa maanta agagaarka Isgooska Howl Wadaag ee magaalada Muqdisho waxa ay ku dileen haweeney la sheegay in ay u shaqeeneysay Hay’ada Caafimaadka Aduunka WHO gaar ahaan deegaanada Koonfur Galbeed.

Goobjoogayaal ayaa ku waramay in Suuqa Bakaaraha gaar ahaan agagaarka Isgooska Howl Wadaag ku dileen dhalinyaro biskoolado ku hubeesan Haweeneydan magaceeda lagu sheegay Maryan Cabdulaahi Maxamuud oo katirsaneyd WHO..

Ciidamo katirsan booliiska iyo Nabad sugida ayaa soo gaaray goobta uu dilku ka dhacay, waxa ayna ciidamada ku guul dareesteen in ay soo qabtaan kooxihii hubeesnaa ee dilka geestay.

Dilalka qorsheesan ee loo geesto ciidanka dowlada iyo dadka shacabka ah ayaa maalmihii lasoo dhaafay kusoo badanayay magaalada Muqdisho, waxaana dilalkan dhacayaan xili ciidamada amaanka laga qaaday inta badan isgoosyada Muqdiho.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Ciidamada Xasilinta oo Muqdisho ku qabtay nin hub sharci daro ah watay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Puntland oo digniin adag u dirtay DFS kana hadashay tallaabo ay qaaday

Cabdi Cade

Shacabka Switzerland oo u codeeyey sharci ka dhan ah haweenka Muslimiinta

Caydiid Ali
Taboola Ads ---