Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare iyo qaar kamid ah Golihiisa Wasiirada oo laga helay Cudurka Covid-19

Cudurka Caronavirus ayaa kusii faafaya daafaha Dunida, waxaana cudurkan ku dhacayaa dad badan oo isugu jira Madax, dad caan ah iyo sidoo kale qeybaha kala duwan ee bulshooyinka dunida kunool.

Ra’iisul wasaaraha dalka Guinea Bissau, Nuno Gomes Nabiam ayaa la xaqiijiyay in laga helay cudurka Caronavirus , waxaa sidoo kale cudurkaasi laga helay sadex kamid ah golaha Wasiirada Xukuumada Guinea Bissau.

Nuno Gomes Nabiam oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in xubno ka tirsan guddi wasiiro ah oo katirsan Xukuumada Guinea Bissau loo xilsaaray dadaallada looga hortaggayo cudurkan ku faafaya dalkaasi.

Dalka Guinea Bissau ee kuyaala Qaarada Afrika ayaa waxaa xiligan heesta adeeg xumo caafimaad , waxaa sidoo kale dalkaasi ka jira maamul xumo iyo dhaqaalo la’aan baahsan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Sawirro) Madaxweynaha ugu da’da yar qaarada Afrika oo xilka loo dhaariyey

Caydiid Ali

Qarax la doonayay in lagu dhibaateeyo Shirkadda dhismaha ee Bulsho oo la fashiliyay

Cabdi Cade

Korontada, Biyaha & Internetka oo laga jaray Jigjiga & Meydad jidadka dhex yaalla

Caydiid Ali
Taboola Ads ---