Allbanaadir.com
NEWS

Dowlada Talyaaniga oo ku dhawaaqday War ka nixiyay Bahda Ciyaaraha dalkaasi

Wasiirka ciyaaraha iyo siyaasadda dhallinyarada Talyaaniga, Vincenzo Spadafora ayaa soo saaray war ka nixiyey bahda ciyaaraha dalkaas oo uu u sheegay in aanay waxba ku xisaabtamin inay dib ugu soo laabtaan xili ciyaareedkan ee ay ka fikiraan sidii ay iskugu diyaarin lahaayeen fasal ciyaareedka dambe.

Kooxaha Talyaaniga ayaa loo sheegay in loo ogolaanayo inay dib u bilaabaan tababarka Isniinta soo socota ee May 4 iyadoo ciyaartoygu ay  qaab kali-kali ah u samaynayaan layliska, waxaana loo muddeeyey in si buuxda ay tababar wadareedka u sameeyaan May 18, xilligaas oo sidoo kale si aad ah loo khafiifinayo xayiraadaha socdaalka, isku-imaatinka iyo arrimaha kale ee lagu xakamaynayay Coronavirus-ka.

 

Laakiin wali waxa jirta khatar weyn oo ah inay adag tahay in waqti cayiman loo qabto in ciyaaruhu bilaabmi karaan maadaama uu soo dhowaaday xilligii caadiyan ay horyaalladu dhamaystirmi jireen ee fasal ciyaareedka dambe la isku diyaarin jiray.

Horyaalka Faransiiska ayaa xalay kansal noqday markii ay Dawladdu shaacisay in wax ciyaaro ah aanay dalkas ka dhici doonin illaa inta laga gaadhayo bisha September taas oo xidhiidhka kubadda cagta ee FFF uu isaguna soo dhoweeyey, waxa se go’aanka waxa  laga yeelayo kooxaha guuleysanaya, kuwa dib u noqonaya iyo haddii waxba kama jiraan uun laga dhigayo horyaalka sida Netherlands oo kale soo saari doona maamulka Ligue 1.

Talyaaniga ayaa isagana xaalad aan ka fogeyn midda Faransiiska oo kale ishaartay, waxaana hadal uu jeediyey Wasiirka Ciyaaraha iyo Siyaasadda dhallinyarada, Vincenzo Spadafora uu ku sheegay in aan waxba la isku daalinin inuu xili ciyaareedku bilaabmo ee ay tahay in laga fikiro sidii loogu diyaar garoobi lahaa ka dambe.

“Dibu-bilaabista tababarka kama dhigna in xili ciyaareedku bilaabmayo.” Ayuu yidhi wasiirka oo si cad ugu sheegaya kooxaha in tababarka ay samaynayaan aanay u qaadanin in horyaalku bilaabmi doono.

Wasiirku waxa uu sheegay in fursadihii xili ciyaareedka lagu bilaabi karayay ay gabaabsi yihiin oo ay soo yaraanayaan, waxaanu yidhi: “Haddii aynu doonayno inaynu shaki galno, waxa innagu filan oo ay tahay inaynu raacdo Faransiiska iyo Netherlands oo xili ciyaareedka joojiyey.

“Haddii aan si daacad ah u hadlo, waxaan arkayaa in fursadaha dib loogu bilaabayo horyaalku ay mar walba sii yaraanayaan.

“Arrinta tababarku way ka duwan tahay, laakiin haddii aan ahaan lahaa madaxweynaha Serie A, waxaan bilaabi lahaa inaan ka fikiro xili ciyaareedka dambe.”

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dagaal dhax maray Ciidamada Galmudug iyo Ciidamo daacad u ah Ahlu Sunna

Cabdi Cade

Dacwado lagu soo oogayo Imran Khan iyo 150 qof oo kale oo Xisbigiisa katirsan

Cabdi Cade

Beesha Caalamka oo War cusub kasoo saartay Khilaafka u dhaxeeya Farmaajo iyo Rooble

Cabdi Cade
Taboola Ads ---