Allbanaadir.com
NEWS

Dad isku qoys ah oo ku dhintay Biriq gurigooda ku dhacday

Waxaa saacadihii lasoo dhaafay roob xoogan ka da’ay magaalada Dhuusomareeb iyo deegaano kale oo kuyaala gobolka Galgaduud, waxaana roobkaasi ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Wararka aan heleyno  ayaa sheegaya in guri kuyaala deegaan duleedka Dhuusomareeb kuyaala ku dhacday Biriq, waxaana ku dhintay shan qof oo isku qoys ahaa halka mid kalana uu dhaawac soo gaaray.

Guriga biriqda ku dhacday ayaa la sheegay in ay ku noolaayeen 7-qof oo isku qoys ahaa, waxaana biriqda halkaasi ku dishay shan kamid ah qoyskaasi oo isugu jiray hooyo iyo afar caruur ah oo ay dhashay halka qof kalana uu dhaawac soo gaaray.

Dadka deegaanka ayaa u gurmaday qoyska dhibaatada xoogan kasoo gaartay biriqda gurigooda ku dhacday, waxaana la filayaa in deegaanka musiibadu ka dhacday in ay gaaraan saraakiil iyo masuuliyiin katirsan maamulka Galmudug.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Duqa Muqdisho oo Abaabul Dagaal ka wada deegaanka Nuur-Dugle (Sawirro)

Cabdi Cade

Sargaal ciidan oo lagu dilay Muqdisho oo maanta la aasayo iyo qoyskiisa oo diyo qaatay

Cabdi Cade

Duqeyn toos ah oo lala beegsaday Isbitaalka daweynta Kansarka ee Gaza (Daawo)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---