Allbanaadir.com
NEWS

Afrika oo loogu deeqay Lacag loogu tala galay in loo isticmaalo talaalka Caronavirus

Qaarada Afrika ayaa dhibaato badan xiligan kala kulmaysa caabuqa Caronavirus ee kusii faafaya daafaha dunida, waxaana aad looga digayaa in cudurkan si weyn ugu faafo Afrika dhibaato xoogana ku reebo.

Shirkadda dhinaca warbaahinta bulshada ee TikTok iyo hay’adda Gates Foundation ayaa qaarada Afrika ugu deeqay lacg gaareysa 20-Milyan dollar oo loogu tala galay in wax loogu qabto cudurka Caronavirus.

Lacagtan malaayiinka Dollar ah ayaa Tiktok iyo Hay’adda Gates Foundation sheegeen in ay ku wareejinayaan shirkadda GAVI ee ka shaqeysa dhinaca tallaalka, si ay uga caawiyaan Afrika in tallaalka COVID-19 uu gaaro.

Shirkada GAVI ee lacagta lagu wareejinayo ayaa sheegtay in lacagtaasi ay u isticmaali doonaan sidii tallaalka loo gaarsiin lahaa Afrika, marka la xaqiijiyo in uu wax ka qabanayo COVID-19 islamarkaana la sharciyeeyo.

Shirkado waa weyn iyo Hay’addo badan ayaa dadaal badan ugu jira sidii loo heli lahaa talaal looga hortago cudurka safmarka ee Caronavirus, mana jiro ilaa hada talaal cudurkan looga hortago oo lasoo saaray.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maraykanka wada qorshe cusub oo lagu joojinayo dagaalka ka socda Itoobiya

Caydiid Ali

DF oo fariin u dirtay Soomaalida ku go’doonsan dagaalka ka socda Sudan (Akhriso)

Caydiid Ali

Booliiska Muqdisho oo ka hadlay Gacan ka hadalkii ka dhacay gudaha Diyaarada Turkish Airlines

Cabdi Cade
Taboola Ads ---