Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Weerar Bambaano oo ka dhacay Muqdisho iyo khasaare nafeed oo ka dhashay

Weerar bamka gacanta loo adeegsaday ayaa lagu qaaday ciidan ka tirsan kuwa taraafikada DF oo ku sugnaa isgoyska Black Sea ee Muqdisho duhurnimadii maanta.

Waxaana la sheegay inay goobta ka baxsadeen kooxihii weerarka geystay oo haybtooda aan weli la ogeyn.

Shan qof oo shacab ah ayay dhaawacyo ka soo gaareen qaraxan kuwaasoo iskugu jiray dad wadada lugeynayey iyo qaar la socday gaadiid wadada marayey.

Laba ka mid ah shanta ruux ee dhaawacmay ayaa lagu warramayaa in xaaladooda caafimaad ay aad u liidato sida ay sheegeen dad goob joogayaal ah.

Falkan ayaa ku soo aadaya xili xalay isgoyska Maana booliyo ee degmada Shibis lagu dilay nin ku hubeysnaa bam gacmeed uu weerar ku geysan rabay ka dib markii ay rasaas ku fureen ciidamo halkaas ku sugnaa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Qarax ka dhacay guri ay degan yihiin saraakiil & Masuuliyiin xilal ka soo qabtay dowlada Somalia

Caydiid Ali

Baaritaano adag oo ka socda guryaha ku dhaw dhaw Madaxtooyada iyo tuhuno soo baxay

Cabdi Cade

Madaxweyne Cafis u fidiyay Fanaan Caan iyo Wiil uu dhalay oo Gabdho Ciyaal iskuul ah kufsaday

admin
Taboola Ads ---