Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

War cusub oo ka soo kordhay dad 48 saac lagu weysanaa daadadkii ka dhuftay Qardho

Dad badan oo mudoo 48 saac ka badan lagu weysanaa nolol iyo geeri ka dib markii ay saameeyeen dadaadkii xooganaa ee ka dhashay roobabkii ka da’ay Magaalada Qardho ayaa ugu dambeyn lagu guuleysay in la helo iyagoo caafimaad qaba.

Maamulka  Qardho ayaa sheegay in ka badan 10 ruux oo lagu waayay daadadkii ku rogmaday la soo badbaadiyey, waxaana laga helay goob ay ku go’doonsanaayeen oo biyaha ay ku celiyeen.

Dadka deegaanka iyo dadweyne kale tegay Puntland ayaa sameeyay dadaadka lagu helay dadkaas, waxaana dib loogu celiyay iyaga oo Caafimaad qaba qoysaskii ay ka maqnaayeen, kuwaasi oo aad uga wel-welsanaa dadkooda.

Daadadkii ku rogmaday magaalada Qardho ayaa waxaa ka dhashay Khasaaro Nafeed iyo burbur xooggan, waxaana ku dhintay ugu yaraan 6 ruux oo shacab ah halka qaar kale ay ku dhaawacmeen

Gurmad xoogan oo loo soo sameynayo dadkii shacabka ahaa ee waxyeelada soo gaartay daadadka ayaa ka socda magaalada Qardho waxaana la filayaa inuu halkaas gaaro saacadaha soo socda gargaar isugu jira cunto iyo daawooyin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Nin dhalinyaro ah oo kufsi argagax leh kula kacay ayeeyo 86 sano jir ah

Caydiid Ali

Maxkamada Sare ee ciidamada oo dil ku xukuntay C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisow (Sawirro)

Caydiid Ali

Alison Blackburne oo soo gaaray Muqdisho lana kulmay Masuul sare

Cabdi Cade
Taboola Ads ---