Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Soomaaliya: Tirada Dadka laga helay cudurka Coronaviris oo sare u kacday

Wasaaradda caafimaadka xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa maanta xaqiijisay inay geeriyoodeen 2 qof oo kamid ahaa bukaannadii laga helay cudurka COVID-19.

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa sidoo kale caddeysay in 24-kii saac ee ugu dambeeyay la diiwaan geliyay 48 xaalado cusub oo COVID-19 ah, ayna bogsoodeen 5 ruux oo kamid ah dadkii horay looga helay xanuunka.

41 kamid ah xaaladaha cusub waxaa laga diiwaan geliyay gobalka Banaadir, 4 waxaa laga helay deegaannada dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed, 3 ruux oo kalena waxaa laga diiwaan geliyay dowlad gobaleedka Jubaland. 31 kamid ah Bukaannada cusub waa rag, waxaana dumar ah 17-ka xaaladood oo kale.

Tirada guud ee xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan geliyay waxey noqdeen 528, waxaa ka bogsooday 19 ruux, waxaana guud ahaan dalka ugu geeriyooday 28.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ganacsatada qaadka ee Kenya oo ka naxay ammar kasoo baxay dowladda Soomaaliya

Cabdi Cade

Sudan oo Madaxweynahe KMG loo dhaariyey afar bilood ka dib xukunkii Al-Bashiir

Caydiid Ali

Ciidamo badan iyo Gaadiid Dagaal oo Duulaan ku ah Al Shabaab ka baxay Muqdisho (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---