Caabuqa koroonafeyras, waa dhibaato mug weyn, misna meel laga aado aysan jirin. Bulshada qeybaheeda kala duwan qofba si ayuu u sawirtay cudurkaan.
Qof ayaa ku leh “waa hargab”. Mid kale ayaa ku leh “waa cudur sambab la dhaho oo xoolaha kaliya ku dhici jiray waagii hore”. Ku kale ayaa ku cabbiraya “waa dagaalkii 3aad ee dunida (dagaalkii kiimikada)”.
Isku soo wada duub oo Soomaalida madax adeeyggeeda ayaa sii sahlaya faafitaanka cudurkaan dilaaga ah. Tusaale, aniga qormadaan qoraya wuu igu dhacay. Wuuna i hayaa xilligaan aan qormada qorayo. haddana, wax weyn kamaba soo qaadin, kamana soo qaadi karo, oo bulshada ayaaba iiga dhigtay wax aan sidaas looga cabsan, oo iska sahlan.
Gunaanadkii, ujeedka aan qormadaan u qoray ayaa ah; inaan dardaaran ka dhiibo cudurkaan dhaqsida ku faafa. Waxaa ii muuqata haddii sidaan loo sii sahashado, inuu leyn doono dad faro badan, weliba si tartiib-tartiib ah. Si gaar ah dalka Soomaliya, si dhaqso ah ugama tagi doono, oo in muddo ah ayuu ku dhex noolaan doonaa bulshada.
Waxaan leeyahay; rabbi talo ku filan, ee bulshooy waanada wasaaradda caafimaadka iyo dhaqaatiirta si laab furnaan ah ku qaata.
Dilaagaani; diin muslim, mid gaalo, midab iyo jinsiba, kalama sooci doono, ee waa inti soo harta iyo nasiibkeed haddaan laga gaashaaman. Fadlan aan taxadarka ku dadaalno. Wabillaahi Towfiiq.
W/Q: Siciid Cabdi Faarax ( Wasiir Qalable).
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com