Allbanaadir.com
NEWS

Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti oo kala saxiixday heshiis Iskaashi (Daawo Sawirro)

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomaar) ayaa dalka Jabuuti kula kulmay Wasiirka Gaadiidka Cirka ee dawlada Jabuuti.

Booqashada Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya waxaa ku wehliyay, Mareeyaha guud ee hay’ada duulista (SCAMA) iyo agaasimaha guud ee Wasaaradda duulista hawada Soomaaliya.

Labada Wasiir ayaa halkaasi ku gaaray heshiis ku aadan Wadashaqeynta labada wasaaradood iyo sidii la iskaga kaashan lahaa dhinacyada gaadiidka iyo duulista rayidka labada dal.

Wafdigii uu hoggaaminayay wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya Mudane Oomaar ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay, ka dib markii ay soo dhameysteen booqashada ay ku tageen dalka Jabuuti.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.co

Related posts

Howlgalada ka dhan ka ah Al-shabaab oo ku fiday Bakool & ciidanka DF oo..(Sawirro)

Caydiid Ali

Amiirka Al Shabaab oo Muuqaalkiisa markii ugu horeesay lasoo bandhigayo

Cabdi Cade

Diidiinka Dunidda ugu weyn xilligan iyo Da’da uu jiro !

Cabdi Cade
Taboola Ads ---