Allbanaadir.com
NEWS

Dhaqtarad safka hore ugu jirtay dagaalka ka dhanka ah Caronvirus oo is dishay

Dhaqtarad 49-sano jir ah oo u dhalatay dalka Mareykanka safka horana kaga jirtay dadaalada looga hortagayo cudurka safmarka ah ee Caronavirus ayaa is dishay.

Lorna Breem oo aheyd Madaxa qeybta daryeelka deg dega ee isbitaalka Allen ee magaalada New Yourk ayaa kamid aheyd dadka safka hore ugu jiray la dagaalanka cudurka caronavirus ee faraha ba’an ku haya Mareykanka iyo guud ahaan caalamka.

Booliiska magaalada New Yourk ayaa sheegay in dhaqtaradan ay u dhimatay dhaawacyo culus ay isku geesatay, walina lama sheegin sababta keentay in haweeneydan dhaqtarada ah iyadu is disho.

Aabaha dhalay dhaqtarada is dishay Dr Philip Breen ayaa Warbaahinta u sheegay in gabadhiisa in gabadhiisa u dhimatay dadaalkii ay shaqadeeda ugu jirtay , mana faah faahin aabahan sababta gabadhiisa isku dishay.

Magaalada New Yourk ayaa kamid ah meelaha ugu daran uu dadka ku dilay kuna haleelay caabuqa Caronavirus, waxaana magaaladaasi ugu dhintya cudurkan halista ah dad ka badan 17,500 oo qof.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

(Akhriso) Deni, Karaash & C/rashiid Jibriil oo heshiis ka gaaray khilaafkii doorashada

Caydiid Ali

Nin hubeysan oo dad ku afduubtay Super market ku yaalla Faransiiska (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Madaxweyne Deni iyo Ben Fender oo kulan gaar ah yeeshay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---