Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Maraykanka oo qirtay dad rayid ah oo ku geeriyooday duqeymo ka dhacay Somalia

Taliska Miltariga Maraykanka u qaabilsan Africa ee AFRICOM ayaa soo saaray warbixin saddex-bille ah oo loogu talagalay in si hufan loo baadho wararka sheegaya in dad rayid ah ay ku dhinteen duqaymaha ay ciidmada Maraykanka fuliyeen ee lagula dagaalamayo kooxaha xagjirka ah

Warbixintan ayey AFRICOM ku qiratay in weerar Soomaaliya ka dhacay 23-kii February 2019 lagu dilay laba qof oo rayid ah, islamarkaana lagu dhaawacay saddex kale, taasoo ay sheegeen inay aad uga xun yihiin.

Stephen J. Townsend, taliyaha AFRICOM ayaa sheegay in warbixinada noocan ah ujeedada laga leeyahay sidii howlgalada ay sameeyaan ay u noqon lahaayeen kuwo hufan, loona yareyn lahaa khasaaraha rayidka.

Waxaa uu sheegay in xogaha la xiriira in dad rayid ah ay ku dhinteen duqeymaha  Maraykanka ay ka mid yihiin warbixinada ay soo gudbiyaan ciidamada, dadka rayidka ah ee degan goobaha duqeymaha laga fuliyey iyo baraha bulshada.

“Waxaan sameyn doonaa bisha soo socota website ay leedahay AFRICOM oo dadweynaha u fududeynaya iney ku soo gudbiyaan xogaha la xiriira duqeymaha Maraykanka kaasoo ka kooban afafka Soomaaliga iyo carabiga” ayuu yiri taliyaha.

Maraykanka ayaa sanadkan sii xoojiyey duqeymaha uu ka wado Somalia ee ka dhanka ah Al-shabaab, kuwaasoo qaarkood ay ku dhintaan dad shacab ah oo aan waxba galabsan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Guddoomiye Mursal oo kulan xasaasi ah la qaatay Madaweynaha K/Galbeed (Sawirro)

Caydiid Ali

Carruur ay Soomaali ku jiraan oo muhaajiriin ah oo laga qaaday dalka Greece

Cabdi Cade

Maleeshiyaad ka qeyb qaadanaya dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab oo lasoo bandhigay (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---