Allbanaadir.com
NEWS

Dad badan oo Isbitaalka Martiini ugu dhintay Cudurka safmarka ah ee Caronavirus

Waxaa sii kordhaya dadka u dhimanaya iyo kuwa uu ku dhacayo Cudurka Caronavirus gudaha Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho, waxaana dowlada wadaa dadaalo ay ku dooneyso in ay ku xakameyso cudurkan safmarka ah.

Wasaarada caafimaadka Soomaaliya ayaa qoraal kooban ay soo saartay ku sheegtay in xalay kaliya isbitaalka Martiini ee magaalada Muqdisho ugu geeriyoodeen cudurka Caronavirus 9-bukaan oo la geeyay.

Dadkan u dhintay Cudurka Caronavirus ayaa qaarkood isbitaalka maalmo ugu jiray xanuunkan soo ritay owgiis halka bukaanada qaarna isbitaalka la geeyay saacadihii lasoo dhaafay iyaga oo xaalad adag ku jira.

Tirada dadka magaalada Muqdisho ugu dhintay cudurka Caronavirus ayaa gaaraya 32-qof halka dadka uu ku dhacay cudurka ee ku sugan guud ahaan Soomaaliya gaarayaan 436-qof.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Isbuucii rajada Doorashada 2020 iyo Cabsida Xisbiyada Xamar Qaarkood !!

Cabdi Cade

R/W Kheyre oo Indhihiisa kusoo arkay waxyeeladii uu geestay Roobkii Muqdisho (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Amnesty oo eedeyn aan horey loo arag u jeedisay Ra’iisul Wasaraha Britain

Caydiid Ali
Taboola Ads ---