Allbanaadir.com
NEWS

Wasaarada Caafimaadka oo Digniin adag u dirtay Isbitaalada kuyaala Muqdisho

Wasaarada Caafimaadka Xukuumada Soomaaliya ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in ay kordheen bukaanada uu soo ritay caabuqa Covid-19 ee loo gudbinayo isbitaalada gaarka loo leeyahay ee kuyaala magaalada Muqdisho.

Qoraalka kasoo baxay Wasaarada ayaa lagu sheegay in isbitaalada gaarka loo leeyahay ay bukaanada uu soo ritay Caronavirus ku hayaan isbitaaladooda ayna  soo gudbiyaan xili aanan xaaladooda waxba kaga qaban karin.

Wasaarada caafimaadka ayaana uga digtay isbitaalada kuyaala Muqdisho in ay ku hayaan bukaanada leh astaamaha Covid-19, waxaana isbitaalada ku wargalisay Wasaarada in ay horey uga soo gudbiyaan isbitaalka Martini bukaankii ay ku arkaan astaamaha Covid-19.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidamo katirsan Kumaandooska Soomaaliya oo gaaray Dhuuso Mareeb iyo ujeedkooda oo…

Cabdi Cade

Qarax dad badan lagu dilay oo ka dhacay gudaha Masjid kuyaala magaalada Mubi

Cabdi Cade

Al-Shabaab oo xeelad yaab leh u adeegsatay weerarkii lagu dilay askariga Maraykanka

Caydiid Ali
Taboola Ads ---