Allbanaadir.com
NEWS

Malaayiin qof oo billaabay adeegsiga App looga tala galay cudurka Covid-19

In ka badan malyan oo qof oo dalkaasi Australia ku nool ayaa la soo degay App-ka cusub ee ay dowladdu ugu tala gashay iney ku dabagasho dadka xiriirka uu dhex maro qofka qaba Covid-19.

App-kan cusub “COVIDSafe” wuxuu ku shaqeeyaa Bluetooth, wuxuuna App-ka xogta uu qabanyaa markay labada qof is gacan qaadaan ama ay iisu jirsadaan mitir iyo bar.

Ap-ku wuxuu markiiba qabanaya xogta labda qof ee kulmay xilliga iyo meesha ay ku kulmeen xogtooda oo dhammeystiranna wuxuu u gudbinayaa laamaha caafimaadka u xilsaran.

Qofka App-ka isticmaalaya dadki uu la kulmay mid ka mid ah haddii faayrsaka laga helo markiba App-ka wuxuu soo dirayaa farriin uu qofka ku baraarujinayo.

Dalka Australia cudurka Coronavirus waxaa laga helay 6,694 qof, iyada oo dadka cudurka u dhintayna ay gaareen 80, sida ay tilmaameyso xogta ay baahisay Johns Hopkins.

Toddobaadyadi u dambeeyey kiisaska cudurka oo hoos u dhacayey haddana Axaddii shaly ahayd waxaa dalkaasi laga helay 16 kiis oo hor leh.

App-ka oo la hirgeliyey Axadda sacaddu markay ahayd 1800 xilliga Australia, saacaddu markay mareysay 10:30 xilliga Australia waxaa App-ka COVIDSafe soo dagsatay dad ka badan 1 malyan oo ku nool dalka Australia.

“Fadlan nagu soo biir si aad u badbadiso naftaada, qoyskaaga, kalkaaliyeyaasha iyo dhakhaatiirta caafimaadka” ayuu yiri wasiirka caafimaadka Australia Greg Hunt oo bartiisa Twitter-ka farriin soo dhigay.

Ra’isal wasaare Scott Morrison wuxuu sheegay haddii ay shacabku App-ka cusub sidi la rabay u isticmaalaan in la dabcinayo xayiraadaha qaarkood. Waxayna dowladdu sheegtay si uu App-ka uu u noqdo mid si buuxda loo adeegsaday ugu yaraan 40% shacabka dalka Australia inay isticmaalan.

Xogta uu App-ka uu soo gudbiyana waxaa keydineysa wasaradda caafimaadka ee dalka Australia, haddii loo baahdana xogtaasi waxaa lala wadaagayaa booliska.

App-kan qof kasta oo adeegsanaya wuxuu weydiinayaa da’diisa inta ay u dhaxeyso, lambarka teleefankiisa, magaciisa iyo lambarkiisa boostada si loogala soo xiriiro haddii loo bahdo.

Dowladdu Australia waxay intaasi ku dartay xogta uu App-ka qofka ka soo gudbiyey ee wasaradda caafimaadka soo gaartay 21 cisho kaddib in la tirayo ama marka uu qofka uu App-ka uu taleefankiisa ka tiraba ay xogtiisana tirmeyso.

Source-BBC

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Siciid Deni oo kulamo kala duwan ka wada magaalada Nairobi (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Dhismaha Barxada Biyaasa Liibaro oo xariga laga jaray iyo Waxa lagu qabanayo (Sawirro)

Cabdi Cade

Ra’iisul Wasaare Rooble oo shir deg deg ah isugu yeeray Madax goboleedyada

Caydiid Ali
Taboola Ads ---