Allbanaadir.com
JUBALANDNEWS

Jubbaland oo amaro la xiriira cudurka COVID-19 ku soo rogtay Masaajidada Kismaayo

Guddiga ka hor tagga iyo u diyaar garowga Cudurka Coronavirus u qaabilsan Jubbaland ayaa maanta kulan ku yeesheen Magaalada Kismaayo ayaa waxaa ay soo saareen Go’aano la xiriira Cudurka COVID-19 iyo sidii looga hortagi lahaa faafidiisa

Guddiga ayaa waxay soo saareen Awaamir Cusub oo lagu xakameynayo Cudurka, kuwaasoo kala ah.

1-In Dadka ku nool Magaalada Kismaayo ay yareeyaan isku imaatinka badan si looga digtoonaado faafitaanka Cudurka Coronavirus.

2-In Waqtiga lagu jiro Salaadaha Faralka ah  ee waajibka aan laga dheereyn 10 daqiiqo taasoo ku socota Imaamyada Masaajidda.

3-In aan la furin Musqulaha iyo qeybta weeysada ee Masaajidda qof walbana uu Gurigiisa kasoo weeyso qaato.

4-In la mamnuucay in salaadda Taraawiixda Masaajidda lagu tukado.

Magaalada Kismaayo ayaa waxaa dhawaan laga helay laba kiis oo Cudurka Coronavirus ah sida lagu sheegay war ka soo baxay maamulka Jubbaland, iyadoo ay jiraan warar sheegaya in labadaas qof ay ka baxsadeen goob lagu karantiilay ayna dhex galeen bulshada taasoo haddii ay dhab noqoto sii xoojineysa faafida cudurkan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Mareykanka oo cuno-qabateyn cusub ku soo rogay shirkaddo iyo shaqsiyaad kale

Caydiid Ali

Nin ka mid ahaa burcadii qabsatay Markabkii MV Abdalla oo..

Caydiid Ali

Ahlu Sunna oo Weerar ay khiyaano badan u adeegsatay ku leesay Ilaalada Saadaq Joon

Cabdi Cade
Taboola Ads ---