Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Madaafiic markii 2aad todobaad gudihiis lagu weeraray Xarunta AMISOM ee xalane

Madaafiic hoobiyeyaal ah ayaa mar kale saaka lagu weeraray Garoonka Dayuuradaha Aadan cadde ee magaalada Muqdisho iyo xarunta AMISOM ee Xalane, kuwaasoo aan la ogeyn halka laga soo tuuray.

Ugu yaraan madfac oo jugtooda laga maqlay qeybo ka mid ah magaalada ayaa la sheegay inay ku dhaceen nawaaxiga Garoonka Dayuuradaha Aadan Cadde iyo xerada Xalane oo ay degan yihiin Ciidamada AMISOM, xafiiska QM ee Soomaaliya iyo safaaradaha reer galbeedka qaarkood.

Warar laga helayo ilo wareedyo kala duwan ayaa sheegaya in qaar ka mid ah madaafiicdas ay ku dhaceen gudaha Garoonka iyo bannaankiisa inkastoo aan la ogeyn khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay.

Al-shabaab oo ka dambeysay weerarkan ayaa war ay soo saartay ku sheegtay inay Garoonka dayuuradaha Muqdisho iyo xalane ku weerareen ilaa 7 madfac, Sidoo kale Al-shabaab ayaa sheegtay in ilaa iyo in weerarka ka dib la arkayay Qiiq iyo uuro madow oo cirka isku shareertay, sida ay hadalka u dhigeen.

Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Taliska AMISOM ee Soomaaliya iyo dowladda oo ay kaga hadlayaan weerarkan oo noqonaya kii labaad oo todobaad gudihiis lagu qaado xarunta Xalane, waxaana weerarka saaka uu ku soo beegmaya xili lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaan oo inta badan Al-shabaab ay xoojiso weerarada iyo qaraxyada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Taliyaha NISA Mahad Salaad oo gaaray gobolka Gedo si weyna loogu soo dhaweeyay

Cabdi Cade

Beesha Caalamka oo Walaac ka muujisay Dib u dhaca ku yimid Doorashada Soomaaliya

Cabdi Cade

Israel oo xabad joojin dalbatay iyo Ururka Xamaas oo shuruudo adag ku xiray

Caydiid Ali
Taboola Ads ---