Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa caawa guryahooda ku booqday qoysaskii ay ka baxeen Allaha unaxariisto Madiina Cabdullaahi Cabdi iyo Xasan Cali Cadaawe oo si sharci daro ah lagu dilay inkastoo dowlada Soomaaliya ay gacanta ku dhigtay askarigii dilkaas geestay.
Duqa magaalada Muqdisho ayaa qoysaskii uu la kulmay u sheegay in maamulka gobolka Banaadir uu kafaala qaaday nolashooda islamarkaana dhawaan sharciga la horkeeni doono askarigii dilka geystay.
“Waxaan marka hore idin kaga tacsiyeynaya dhibkii dhacay oo ahaa mid aad u foolxun islamarkaana qalbigeyga xanuujisay waana sababta keentay inaan hortiina imaado, sidoo kale madaxda dowlada wey xanuujisay waxeyna diyaar u yihiin in sida ugu dhaqsiyaha badan sharciga loo horkeeno gacan ku dhiiglihii falkaas arxandara ah geystay” ayuu yiri Cumar Filish.
Dilka askarigan uu kula kacay labada qof ayaa dhaliyey caro badan iyo banaanbaxyo rabshado watay oo habeen hore illaa shalay ka socday magaalada Muqdisho.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com