Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dayuurada Turkish Airlines oo xalay timid Muqdisho & Sababta ka dambeysa (Sawirro)

Dayuurad ay leedahay shirkada Turkish Airlines ayaa xalay fiidnimadii duulimaad gaar ah ku timid magaalada Muqdisho xili ay jirto xanibaada dhinaca duulimaadyada caalamiga ah ee DF ay soo rogtay.

Waxaa dayuuradan ay Xamar keentay 58 Soomaali ah oo ku xanibnaa dalka Turkiga ka dib markii ay saameysay xayiraada lagu soo rogay duulimaadyada caalamiga ah ee ka dhalatay cudurka COVID-19.

Qaar ka mid ah dadkan waxa basas looga soo qaaday magaalada Ankara, waxaana la keenay magaalada Istanbul oo dayuuraddu ay ka soo kicitintay.

Dadka ay keentay dayuurada ayaa waxaa ku jiray Mas’uuliyiin ka tirsan DF oo ay kamid ahaayeen Guddoomiyeyaasha Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ee Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo ka mid ahaa dadka xanibnaa dalka Turkiga.

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Turkiga Amb. Jaamac Caydiid ayaa uga mahadceliyay dowladda Turkiga sida ay ugu fududeeyeen daad gureynta Dadkan iyadoo xili adag lagu jiro.

Waxaa sidoo kale Dayuuradda Turkish Airlines ay ka qaaday Muqdisho qiyaastii boqol ka mid cah shaqaalaha rayidka ah ee Turkiga ka joogay Muqdisho, kuwaasoo dalkooda dib ugu laabanayey

Wasiirka Waxbarashada Somalia C/llaahi Goodax Barre oo la sheegay in howlo caafimaad u u baxay ayaa ka mid ah Dadka ay dayuuradda qaaday.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Soomaaliya iyo Midowga Yurub oo xoojinaya iskaashiga ka dhaxeeya (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Madaxweyne Erdogan oo ku dhawaaqay Talaabo ay uga aargudanayaan Mareykanka

Cabdi Cade

Madaxweyne Deni oo la kulmay Mid kamid ah Wasiirada ugu awooda badan Itoobiya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---