Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Masuul hore oo caawa lagu dilay Muqdisho iyo faahfaahino ka soo baxaya

Kooxo hubeysan ayaa caawa nin shacab ah ku dilay xaafada Jungal oo ka tirsan degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho.

Marxuumka la dilay oo ka mid ahaa dadka degaanka ayaa magaciisa lagu sheegay C/kariin Shiikh Cilmi (Diikaa)

Wararka qaar ayaa sheegaya in marxuumka uu saddex sano ka hor Gudoomiye ka ahaa laanta Onkod oo ka tirsan waaxda Jungal ee degmada Yaaqshiid, balse hadda uu iska ahaa qof shacab ah oo aan wax shaqo ah heynin.

Raggii dilka geystay oo la sheegay iney ahaayeen labo nin oo bastoolado ku hubeysan ayaa goobta ka baxsaday, waxaana marxuumka oo dhaawac culus ahaa uu geeriyooday intii loo sii waday isbitaalka.

Lama oga illaa hadda sababta loo dilay, mana jirto cid sheegatay dilkiisa inkastoo falal noocan ah looga bartay kooxda Al-Shabaab oo dagaal kula jirta dowlada Somalia iyo cid kasta oo la shaqeysa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

FIFA oo aqoonsi caalami ah siisay garoonka Kubada Cagta Muqdisho Stadium (Sawirro)

Caydiid Ali

Boqorka Sacuudiga oo si fool xun u bahdilay Wasiirkii ugu tunka weynaa dowlada

Caydiid Ali

Xubno kasoo goostay Ahlu-sunnada hubeysan oo isku soo dhiibay Galmudug (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---