Wasiirka Caafimaadka Puntland Jaamac Faarax Xasan oo caawa warbaahinta kula hadlay Garoowe ayaa shaaca ka qaaday in 5 qof oo qaba Cudurka laga helay Puntland, kadib markii laga baaray dad gaaraya ilaa 11 ruux oo looga shakiyey cudurkan
“Dadka laga helay Cudurka waxaa lagu sameeyay baaritaan, iyadoo markii dambe Natiijada soo baxday ay noqotay in COVID-19 jirkooda laga helay 5 ka mid ah, kuwaasoo la karantiilay” ayuu yiri wasiirka.
Dadka laga helay cudurka oo isugu jira 4 rag ah iyo qof dumar ah ayaa waxay da’doodu u dhexeysaa 14 ilaa 33 Jir, dhamaantood waa dad aan dalka hore uga bixin oo aan safar gelin sida uu sheegay Wasiirka Caafimaadka Puntland
Wasiirku wuxuu kaloo sheegay in maanta karantiilay 10 qof oo looga shakiyay cudurka Coronavirus kuwaaso baaritaan lagu samayn doono si loo hubiyo iney qabaan cudurka iyo in kale
Dhinaca kale, Puntland waxay maanta howlgalisay shaybaarka lagu baaro cudurka Coronavirus kaasoo dhawaan ay soo gaarsiisay hay’adda caafimaadka Adduunka ee WHO, iyadoo horey dadka la baarayo saamiga laga qaado dibeda lagu soo baari jiray.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com