Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Maxaa ka jira in cudurka Coronaviris uusan ku soo laaban qof uu mar ku dhacay?

Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa sheegtay iney jirin caddeyn muujineysa in dadka qaaday COVID-19 ay leeyihiin unugyada ka hortaga cudurka ee ka ilaalinaya in qofkaasi uu markale soo rito coronavirus.

Warbixin ay soo saartay Jimcihii ayay WHO waxa ay uga digtay dowladaha qaar ee soo jeediyay iney u sameynayaan shahaadooyinka khatar la’aan ah dadka ka soo kabay COVID-19, taasi oo u ogolaaneysa iney shaqooyinkooda dib ugu noqdaan ama ay safari geli karaan iyagoo aaminsan inuusan cudurka COVID-19 markale ku dhici karin.

“Isticmaalka shahaadooyinka ceynka ah waxa ay kor u qaadeysa khatarta ah iney is qaadsiinta cudurkan ay sii socoto” ayaa lagu yiri bayaanka WHO.

Arrintaan ayaa meesha ka saareysa, fikirka ahaa in Covid 19 uusan kusoo laaban qof uu hal mar kusoo dhacay. Covid 19 ayaa fara ba’an wali ku haya aduunyada. Halka hadda ugu daran ayaa ah dalka Mareykanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Akhriso) Mukhtar Roobow oo hal arrin ka codsaday Culimada Soomaaliyeed

Caydiid Ali

Madaxweyne Deni oo ku baaqay in aan lagu deg degin Arrinta Shidaalka Soomaaliya

Cabdi Cade

Maxaa ka jira in la hakiyey doorashada kursiga HOP-86 ee Fahad Yaasiin uu daneynayo?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---