Allbanaadir.com
NEWS

Bandowgii Muqdisho oo isbadal lagu sameeyay iyo Taliye booliis oo xil ka qaadis lagu sameeyay

Taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliya Jeneraal Cabdi Xasan Xijaar oo goordhaw Warbaahinta la hadlay ayaa shaaciyay in isbadal kooban lagu sameeyay bandowgii dowlada kusoo rogtay magaalada Muqdisho xiliyada Habeenkii ah.

Waxa uu sheegay taliyaha in bandowga dib loogu celiyay 8-da habeenimo wax saameyn ahna uusan ku yeelan doonin dadka caadiga ah ee lugeenaya balse kaliya ay xirnaan doonaan goobaha ganacsi ee lagu iibiyo waxyaabaha aanan quutul daruuriga aheyn.

Taliyaha Booliiska Soomaaliya Jeneraal Xijaar ayaa sidoo kale xilka ka qaaday taliyihii ciidanka booliiska saldhiga Degmada Boondheere oo xalay askari isaga ka amar qaata labo qof oo shacab ah si bareer ah ugu dilay guriga kuyaala degmadaasi.

Waxa uu ugu baqaay taliyaha shacabka banaan baxaya in ay xasiloonida ka shaqeeyaan ayna joojiyaan banana baxyada rabshadaha wata, waxa uu cadeeyay in gacanta lagu hayo askarigii dilka geestay uuna mari doono ciqaabta uu leeyahay.

Isabadalka lagu sameeyay xiliga Bandowga ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa soo dhaweeyay shacabka magaalada oo dhibaato badan ku qabay in hal saac laga dhigo bandowga sidoo kale loo diido in magaalada dhax socdaan.

Related posts

Muuse Biixi oo loo bandhigay naqshad casri ah oo loo dhisayo Suuqa Waaheen (Sawirro)

Caydiid Ali

Faahfaahin: Dagaal culus oo dhacay degaanka Bukure iyo ciidamada dowlada oo..

Caydiid Ali

Sargaal katirsan ciidanka booliiska oo Muqdisho lagu dilay iyo Faahfaahino kasoo baxaya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---