Allbanaadir.com
NEWS

Cumar Finish oo dhax galay Dibad baxayaal careesan xad gudubna ku tilmaamay Bandowga (Sawirro)

Gudoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Maxamed Maxamuud Filish dadweyne careesan oo dhigayay banaan bax rabshado watay kula hadlay Taalada Dal jirka Dahsoon ayaa ka codsaday in xaalada dejiyaan .

Cumar Finish ayaa sheegay in ay ka maamul ahaan ka xun yihiin dilkii gardarada ahaa ee xalay magaalada Muqdisho loogu geestay labada qof ee shacabka ah, waxa uuna tilmaamay in cadaalada si deg deg ah loo horkeeni doono dadkii ka dambeeyay dilkaasi.

“Waxaan marka hore idin kaga tacsiyeenaya dhibkii dhacay oo ahaa mid aad u foolxun islamarkaana qalbigeyga xanuujisay waana sababta keentay inaan hortiina imaado, sidoo kale madaxda dowlada wey xanuujisay waxeyna diyaar u yihiin in sida ugu dhaqsiyaha badan sharciga loo horkeeno gacan ku dhiiglihii falkaas arxandara ah geestay.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ayaana xad gudub ku tilmaamay bandowga habeenkii ah ay dowlada kusoo rogtay shacabka magaalada Muqdisho, waxa uuna sheegay in aysan raali ka aheyn ayna arintan kasoo bixi doonaan go’aano cusub.

“ Arinta xad gudubka ku ah dadka reer Muqdisho ee bandawga la saaray go’aan ayaa ka soo bixi doono idinka ayaa idinku matalaa gobolka Banaadir ee iskama joogno “ ayuu Gudoomiye Cumar Filish.

Duqa Muqdisho ayaa ugu baaqay dadka banaan baxa dhigaya in ay joojiyaan rabshadaha ay sameenayaan, waxa uuna sheegay in dadka la dilay ay heli doonaan cadaalada arintoodana ay gaartay Madaxda dalka.

Shacabka magaalada Muqdisho oo markii hore ka careesnaa bandowga habeenkii lagu soo rogay magaalada Muqdisho ayaa hadana caradooda waxaa sii kordhiyay dilka xaqdarada ah ee ciidanka dowlada u geesteen labo qof shacab ah oo guryahooda ku sugnaa .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wararkii ugu dambeeyey dagaalkii ka dhacay degmada Kaaraan iyo Cumar Filish oo..

Caydiid Ali

Donald Trump oo Shaaciyay in Talaadada la xirayo kana hadlay Sababta loo xirayo

Cabdi Cade

Madaxweyne Qoor Qoor oo Labo daran mid dooro heesato iyo xaalka oo aad ugu xun !!

Cabdi Cade
Taboola Ads ---