Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare Kheyre oo wadahadal la yeeshay Sheekh Sabaax Al Khaled Al Xamad

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Hassan Ali Khaire ayaa xalay khadka teleefanka wada hadallo kula yeeshay dhiggiisa dalka Kuwayt Sheekh Sabaax Khaled Al-Xamad Al-Sabaax.

Kheyre iyo Sheekh Sabaax ayaa waxa ay ka wada hadleen iskaashiga labada dal ee dhinacyada dhaqaalaha, amniga iyo siyaasadda, waxay isla soo qaadeen sida ay Kuwayt Soomaaliya garab uga siin karto xakamaynta safmarka COVID19.

Sheekh Sabaax Khaled ayaa u balan qaaday Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya in ay Kuwait ka taageeri doonto dowlada Soomaaliya dagaalka ay kula jirto caabuqa Dunida ku faafay ee Caronavirus.

Dowlada Soomaaliya ayaa caalamka ka codsatay in laga taageero dagaalka ka dhanka ah Covid-19 maadaama Soomaaliya aysan xiligan awood u laheyn dagaalka dunida kula jirto cudurkan saf marka ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Akhriso) Garsoore loo heysto dembiyo culus oo la soo taagay Maxkamada G/Banaadir

Caydiid Ali

Horumarinta iyo dib u dhiska Magaalada Muqdisho oo laga shiray

Cabdi Cade

(Daawo Sawirro) Muuse Biixi oo Salaada ciida ka dib baaq u diray shacabka Somaliland

Caydiid Ali
Taboola Ads ---