Cudurka Caronavirus oo markii ugu horeesay ka dilaacay magaalada Wuhan ee dalka Shiinaha ayaa hada si weyn caalamka ugu faafay, waxa uuna cudurkan daafaha Dunida ku dilay dad ku dhaw 200-kun oo qof halka uu ku dhacay dad ka badan 2-milyan oo qof.
Wadamada reer Galbeedka ayaa tuhmaya in Cudurkan si kutala gal ah Shiinaha u faafiyay, waxaa sidoo kale dowlada Shiinaha lagu eedeeyay in ay qarisay xogta cudurkan iyo halista badan uu caalamka hada ku abuuray.
Dowlada Shiinaha oo laga dalbaday in baaritaano caalami ah lagu sameeyo cudurka Caronavirus ayaa ku gacan seertay dalabkaasi, waxa ayna dowlada Shiinaha ku tilmaantay mid siyaasadeed baaritaanka lagu sameenayo halka uu ka yimid Caronavirus.
Safiir kuxigeenka dalka Shiinaha u fadhida London, Chen Wen, ayaa sheegtay in dalabka baaritaanka caalamiga  uu yahay mid siyaasadeysan, waxa ayna tilmaantay in dalabka nuucaasi ah xiligan wax u dhimayo dagaalka Shiinaha kula jiro cudurkan safmarka ah.
“Xilligan waxaan xoogga saareynaa la dagaallanka fayraska, marka ma garanayo sababta looga hadli karo baaritaan caalami ah. Arintaasi waxa ay diiradda ka lumin kartaa dedaalkeenna iyo weliba dhaqaalaha aan kula dagaallameyno cudurka. Waa arin siyaasadeysan. Mana jirto cid oggalaaneysa,” ayay tiri Chen.
Safiirk kuxigeenka Shiinaha u fadhiya London ayaa sidoo kale sheegtay in ay jiraan warar badan oo la xariira halka uu asal ahaan ka yimid Feyruskan dunida ku faafay, waxa ayna sheegtay macluumaadka beenta ee la faafinayo ka khatar badan yahay cudurkan.
Dowlada Shiinaha ayaa lagu eedeeyay in ay ka been sheegtay macluumaadka saameynta uu dalkaasi ku yeeshay fayraska Carona, waxaana Dunida hada dagaal kula jirtaa cudurkan safmarka ah een wali la helin daawadiisa iyo waliba talaal looga hortagi karo.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com