Askari katirsan booliiska Soomaaliya ayaa caawa dil iyo dhaawac ka geestay agagaarka Isgooska Jubba ee magaalada Muqdisho, waxaana dhacdadaasi ka dhashay banaan bax rabshado watay oo dadka deegaanka dhigeen.
Goobjoogayaal ayaa ku waramay in askar katirsan ciidanka booliiska rasaas ku furay qof shacab ah xiligii bandowga kadib, waxaana rasaastaasi la sheegay in uu ku dhinteen wiil iyo gabar shacab ah.
Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in askari katirsan ciidanka booliiska amray wiil banaanka gurigooda fadhiyay in uu xaroodo balse ismaan dhaaf kadib rasaas xabad ku dhuftay, waxaana xabada kusii dhacday gabar umul aheyd oo guriga ku jirtay oo iyana geeriyootay.
Dad ka careesan dhacdadan ayaana banaan bax rabshado watay ka dhigay Isgooska Jubba, waxa ayna dadka banaan baxa dhigayay halkaasi ku gubeen taayaro iyagoo sidoo kale dhagxaan ku jaray laamiga bartankiisa.
Ciidamada booliiska Soomaaliya ayaana la sheegay in markii dambe awood u adeegsaeen dadkii banaan baxa dhigayay oo dhalinyaro u badnaa, waxaana halkaasi laga maqlayay rasaas ay ciidamada amaanka mararka qaar ridayeen.
Dilka iyo dhaawaca ay geesteen ciidanka dowlada ee loogu tala galay sugida amaanka shacabka ayaa kusoo aadaya xili magaalada ka dhaqan galay bandow bilaabanaya 7-fiidnimo kuna eg 5-ta subaxnimo taas oo saameyn badan ku yeelatay shacavka Muqdisho qaarkood.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com