Allbanaadir.com
NEWS

Tijaabadii ugu horreysay ee dawada Coronavirus oo lagu guuldarreystay !!

Waxaa lagu guul dareestay tijaabadii ugu horeesay daawo cusub oo loogu tala galay in lagu daweeyo cudurka dunida halista badan ka abuuray ee Caronavirus, waxaana tijaabadan guul dareesatay niyad jab ku abuurtay dhaqaatiir iyo shirkadii sameeneysay.

Tijaabada daawadan cusub ee lagu guul dareestay ayaa ka dhacday dalka Shiinaha, waxaana daawadan bukaankii ugu horeeyay oo lagu tijaabiyay la sheegay in isbadal uusan ku keenin xaaladiisa balse cadaadis hor leh oo dhanka dhiigga ah ku keentay bukaanka.

Dukuminti qabyo ah oo si aan ku talagal ahayn ay u daabacday hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa lagu soo bandhigay guul darada ku timid tijaabadii ugu horeesay ee lagu sameeyay daawada loogu tala galay in lagu daweeyo Caronavirus.

Shirkadda Mareykanka ee dawadaasi sameysay, ee loo yaqaanno Gilead Sciences, ayaa ku sheegtay dukumantiga ay sida kama’a ah ay hay’adda WHO u daabacday in ay daraasadda iyo cilmi baaristaba waji kale u yeeleyso.

Tijaabadan fashilantay ee sida kutala galka aan aheyn loo daabacay ayaa durba laga saaray boggi ay ku daabacday Hay’adda Caafimaadka Aduunka ee WHO, waxaana hay’addan qiratay warbixinta sida lama filaanka loo daabacay iney khalad ahayd.

Warbixinta ay WHO daabacday lagu sheegay 237 bukaan oo dawada lagu tijaabiyey – 158 ka mid ah wax isbeddel ah ineysan ku keenin – halka 79 ka mid ah bukaannadaasina ay maskixiyan dawadu wax u tartay.

Cudurka Caronavirus ee sida deg dega ah ugu faafay dunida dadka badana ku laayay ayaa wali loo helin daawo rasmi ah oo daaweysa cudurkaasi, waxaa sidoo kale hada tijaabo lagu bilaabay talaal la doonayo in cudurkaasi looga hortago.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Akhriso) Natiijada doorashadii ka dhacday degaano ka tirsan Puntland oo la shaaciyey

Caydiid Ali

Guddi cusub oo maanta loo magacaabayo Baaritaanka Weerarkii guriga Cabdi Qeybdiid

Cabdi Cade

Booliiska oo Muqdisho kusoo bandhigay nin fal laga naxay isaga oo geesanaya la duubay

Cabdi Cade