Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa xalay magacaabay Golihiisa cusub ee Wasiirada, waxaana durba Wasiirada uu magacaabay Madaxweynaha cadaalad daro ku tilmaamay qaar kamid ah beelaha dega Galmudug.
Beesha Obokor oo kuĀ abtirsata Beesha Reer Xaaji Saleebaan ayaa cadaalad daro ku tilmaamay golaha Wasiirada uu magacaanay Madaxweyne Qoor Qoor, waxa ayna Beeshu sheegtay in Madaxweynaha beesha uu kasoo jeedo siiyay Wasiir iyagu lahaayeen.
Caaqilka Beesha Obokor Caaqil Cabdikariin Cali Madoow ayaa War saxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in Madaxweynaha dulmi ku sameeyay Beesha dhaxdeeda gaar ahaan uu xaqeeda duudsiiyay Beesha Obokor.
Waxa uu sheegay Caaqilka in ay kasoo horjeedaan Wasiirada uu magacaabay Madaxweyne Qoor Qoor, waxa uuna tilmaamay in beeshooda horey loogu dulmiyay Xilalka Federaalka hadana la duudsiiyay xaqii ay ku lahaayeen Galmudug.
Halkan ka Akhriso War Saxaafadeedka Caaqilka Beesha ObokorĀ
Anigoo ah Cabdikariin Cali Madoow Caaqilka Beesha Obokor ee reer Xaaji Suleymaan waxaan War saxaafadeedkan usoo saaray inaan diro fariintaan Madaxweynaha D.Galmudug Mudane Qoor qoor kuna saabsan Magacaabista Wasiirada Galmudug
Waxaan cod dheer iyo mid gaaban ku sheegayaa inaan raali ka noqon doonin liiska golaha Wasiirada uu magacaabay Madaxweyne Qoor Qoor.
Beesha Obokor oo miisaan deegaan, mid siyaasadeed mid dhaqaale ku leh Galmudug iyo Muqdisho aysan ka muuqan xilalka Galmudug iyo Fadaraalkaba .
Beesha waxa ay ka tashan doontaa ayaaha mustaqbalaka ka mid ahaashaheda galmudug maadaama lagu dulmiyay.
Beesha Obokor oo dulqaad iyo samir lagu yaqaanay iyo tol jaceyl laakiin sabirkii uu ka dhamaaday sida madaxweynaha Galmudug uu ula dhaqmay darteed
Beshu waxay u aragtaa u magacaabista Shaqsi ay isku heebyihiin Madaxweyna Wasiirka Dakada iyo Kaluumaysiga mid ihaano ku ah beesha oo dagta deeganada xeebta ah.
Beeshu waxay taageersantahay Hanaanla dowladnimada nabada iyo wadajirka dadka daga Galmudug oo ku salaysan cadaalad .
Caaqil Cabdikariim Cali Madoow Caqilka Besha ObokorĀ