Wiil yar oo afartan habeen jiray iyo gabar ay walaalo yihiin oo labo sano jirtay ayuu xalay daad ku dilay magaalada Hargeysa.
Daadkan ayaa ka dhashay roobab xoogan oo xalay saacado badan ka da’ayey magaalada Hargeysa, kuwaasoo hakiyey socodkii dadka iyo gaadiidka.
Labada carruurta ah iyo hooyadood oo ku sugnaa gurigooda oo sandaqad ahaa ayuu ku soo rogmaday daad xoog badan.
Mid ka mid ah caruurta ayaa meydkiisa la waayey halka hooyadood oo si dirqi ah looga soo badbaadiyey la dhigay isbitaalka iyadoo ku jirta xaalad miyir beel ah, waxaana jira warar aan la xaqiijin oo sheegaya iney markii dambe geeriyootay.
Arrintaas ayaa ka dhacday xaafadda Qudhac-dheer ee Koonfurta-bari ee magaalada Hargeysa.
Taliyaha booliiska Somaliland General Cabdullaahi Fadal Iimaan oo hogaaminayay ciidan u gurmaday goobtaasi ayaa sheegay in la soo badbaadiyay hooyada dhashay caruurrta, haddana lagu dabiibayo Isbitaal.
Aabaha dhalay carruurta geeriyootay Axmed Qorane ayaa warbaahinta u sheegay in gurigan sandaqada ah uu qoyskiisu soo degay laba maalmood ka hor uuna u dhawyahay doox.
Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Axmed oo xalayba markiiba tegay goobta shilku ka dhacay ayaa u tacsiyeeyay qoyska, aabaha ay masiibadani ku dhacday ayuuna u badallan qaaday in ay dawlladdu garab istaagi doonto.
Waxaa jira warar kale oo sheegaya in ay jiraan dad kale oo laga soo badbaadiyay daad qaaday.
Roobabka guga oo maalmahanba aad uga da’aya deegaanno badan oo ka tirsan geeska afrika ayaa soo rogay daad xoog leh.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com