War saxaafadeed ay soo saareen Madasha Xisbiyada Qaran ayaa lagu taageeray laguna soo dhaweeyay heshiisyada siyaasadeed ee ka dhacay maamul goboleedyada Galmudug iyo Jubbaland.
Madasha Xisbiyada Qaran ayaa soo dhaweesay Heshiiska ay gaareen Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor iyo Madaxweynihii hore ee mamulkaasi Axmed Ducaale Gelle Xaaf.
War saxaafadeedka kasoo baxay madasha Xisbiyada Qaran ayaa sidoo kale lagu soo dhaweeyay heshiiska ay gaareen Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe iyo Xubnaha Golaha Is bedel doonka ee kasoo horjeeday dib u doorashadiisa.
Halkan ka akhriso War saxaafadeedka kasoo baxay Madasha Xisbiyada Qaran
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com