Allbanaadir.com
NEWS

Dilal xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho & faahfaahino ka soo baxaya

Labo askari oo ka tirsanaa ciidamada dowladda ayaa xalay lagu dilay degmada Wadajir ee gobalka Banaadir.

Weerarkan ayaa ka dhacay bar kontorool oo ay ku sugnaayeen labadan Askari ee la dilay ka dib markii ay weerar ku soo qaadeen rag bastoolado ku hubeysan sida dadka degaanku u sheegeen warbaahinta.

Ciidamada NISA ayaa wax yar ka dib gaaray goobta labada askari lagu dilay halkaasoo ay ka sameeyeen baaritaano, kumana guuleysan iney soo qabtaan raga dilka geystay oo halkaas xili hore ka baxsaday.

War lagu baahiyay baraha ay wararkooda ku faafiyaan Al-Shabaab ayaa waxay ku sheegteen masuuliyada dilkii xalay loo geystay labadan Askari ee ka tirsan dowlada Soomaaliya.

Magaalada Muqdisho iyo hareeraheeda ayaa waxaa ka dhaca dilal ay geystaan rag bastoolado ku hubeysan kuwaasoo loo geysto askar iyo dad kale, inta badana kooxaha dilalka geysta wey baxsadaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlada Somalia oo si kulul uga hadashay shacab laga soo Masaafuriyey Somaliland

Caydiid Ali

Madaxweyne Farmaajo oo ka digay in wax laga bedelo Heshiiska Doorashada

Cabdi Cade

Trump oo dhaqaalihii ka joojiyey WHO ka dib murankii dhexmaray isaga & Tedros

Caydiid Ali
Taboola Ads ---