Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Madaxweynihii hore oo dhaliilay bandowga bisha Ramadaan la saaray Muqdisho

Shiikh Shariif Shiikh Axmed Madaxweynihii hore ee soomaaliya  ayaa dhaliilay bandowga bilaabanaya 7-da fiidnimo oo dowladda Federaalka Somalia ku soo rogtay magaalada Muqdisho bisha Ramadaan ee maanta bilaabatay.

Madaxweynihii hore ee Somalia ayaa  waxaa uu sheegay inay jiraan dad duruufo kala duwan qaba oo fursada aysan u saamaxeyn inay guryahooda afur ku sameystaan, go’aanka dowladdana uu keenayo in dad badan ay Afur waayaan.

Sidoo kale, Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa  Madaxda dowladda Somalia ka dalbaday  inay arrintaasi dib u eegis ku sameeyaan, loona naxariisto bulshada.

Waxaa uu soo jeediyey in wax laga bedelo tallaabooyinka ciidamada Dowladda ay qaadaan iyagoo dhaqan gelinaya bandowga saaran caasimadda, waxaana uu sheegay in  sida hadda wax u socdaan laga wanaagsan yahay.

Shiikh Shariif ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey bisha Ramadaan isagoo ku baaqay in la isku naxariisto la isna cafiyo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Shiikh Xasan Daahir oo dhaliilay sida dowladu u wajahday kiiska dilkii Axmed dowlo

Caydiid Ali

Ciidanka Danab oo howlgal balaaran ka sameeyay Deegaano dhaca Duleedka Marka

Cabdi Cade

Maxaa ka jira in la qabtay nin shalay la sawiray isagoo askari ku dilaya Muqdisho? (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---