Allbanaadir.com
NEWS

Al-Shabaab oo xoog looga furtay 13 Kenyan ah oo ay ku tababarayeen gudaha Somalia (Daawo Sawirro)

Waxaa soo baxaya warar dheeraad ah oo ku saabsan dagaal xoogan oo muddo saacado ah socday kaasoo u dhaxeeyay ciidamada Kenya, iyo kuwa Jubbaland oo dhinac ah iyo Al-Shabaab kuwaasoo ku dagaalamay duleedka Magaalada Dhoobley ee gobolka Jubbada Hoose.

Saraakiisha ciidamada Kenya ayaa dagaalkaas kadib sheegay in Al-shabaab ay ka soo furteen 13 dhalinyo oo Kenyan ah oo tababar ku qaadanayay degaanka Raaskambooni.

Afhayeen u hadlay ciidamada Kenya ayaa sidoo kale sheegay inay la soo xariireen waalidiinta dhalinyaradaasi la soo furtay ka hor inta aysan qaadin dagaalkan, taasoo ay sheegeen inay ka caawisay soo furashada dhalinyaradaasi.

Waxaa Afhayeenka uu ka warbixiyay sida dhalinyaradan Kenyanka ah ay ugu  biireen Al-shabaab, wuxuuna xusay iney Soomaaliya ka soo galeen degaanka Kayunga, iyagoo isticmaalayay Doomo, hami dhaqaalana markii hore la galiyay, kadibna ayaa waxaa ku adkaatay ayuu yiri tababaro culus ee Shabaab ay siinayeen.

Dowlada Kenya ayaa dhalinyaradan Kenyanka ahaa eek u biiray Al-shabaab u balan qaaday in aan la dhibaateyn doonin haddii ay ka soo baxaan Al-shabaab, iyadoo ay jiraan dhalinyaro Kenyan aad badan ay ka mid Al-shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dalalka Islaamka qaarkood iyo gobol ka mid ah Somalia oo maanta aan laga ciideynin

Caydiid Ali

Geerida Alexey Navalny oo lagu eedeeyay in masuul ka yahay Madaxweyne Putin

Cabdi Cade

Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlay geerida Janaraal Cali Ismaaciil Maxamed

Cabdi Cade
Taboola Ads ---