Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dowlada Somalia oo soo saartay qorshe lix bilood soconaya oo leh Saddex ujeeddo

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ka jawaabaysa saamaynta uu cudurka COVID-19 ku yeeshay habsami u socodka waxbarashada ayaa diyaarisay qorshe lagu yareynayo saamaynta cudurka COVID-19 ku yeelanayo waxbarashada.

Qorshahani oo lix bilood ah ayaa diirada saaraya sadex hadaf/ujeedo oo waaweyn oo kala ah:

(1) Sidii taageero dhanka wacyigelinta loo siin lahaa ardayda, macallimiinta iyo waalidiinta sidii ay uga hortagi lahaayeen faafida cudurka COVID-19.

(2) Sidii loo sii wadi lahaa adeegga waxbarashada iyada oo la adeegsanayo habka fogaan-dersiga waxbarashada iyo wixii kale ee taageero ah ee ay u baahan yihiin ardayda iyo macallimiinta inta dugsiyadu xiran yihiin.

(3) Sidii looga shaqayn lahaa dib u furida goobaha waxbarashada marka laga baxo xaaladan, iyada oo laga shaqaynayo badqabka ardayda, macallimiinta iyo bulshada.
Haddaba, fulinta sadexdaan hadaf/ujeeddo waxay gacan ka geysanaysaa yaraynta saameynta dhow iyo mida fog ee cudurkan ku yeelan karo habsami u socodka waxbarashada.

Diyaarinta qorshahan waxaa kala shaqeeyay wasaaradda, dhammaan bah-wadaagta waxbarashada Soomaaliya sidii uu u noqon lahaa salka qorshaha u diyaar-garowga iyo ka jawaabida saameynta cudurka ku keenay habsami u socodka waxbarshada dalka.

Sidaas daraadeed, Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare waxay ka codsanaysaa dhammaan bahwadaagta waxbarshada in ay ka qeyb qaataan fulinta qorshaha ee ay wasaaraddu ugu talagashay in ay kaga jawaabto saameynta uu Covid-19 ku yeeshay xagga waxbarashada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Israel oo ku goodisay iney Rafah u adeegsaneyso hub caalamka laga mamnuucay

Caydiid Ali

Halis cusub oo xilligan kala guurka soo wajahday Mushaharka ciidanka dowladda

Cabdi Cade

Wasiirkii hore ee Arimaha Dibadda Soomaaliya oo ku dhintay Qaraxii Muqdisho

Cabdi Cade
Taboola Ads ---