Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

RW Khayre oo ka hadlay dedaalka DF ee Coronavirus iyo Qalab dalka ku soo wajahan

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre oo ka hadlay dadaallada lagu xakameynayo cudurka COVID-19 ee dalkeenna ku faafaya, ayaa caddeeyay in madaxda dowladda, dowlad gobaleedyada, Culimada, dhakhatiirta, haweenka, dhallinyarada, hoggaanka bulshada rayidka ah, ganacsatada iyo dhamaan shacabka Soomaaliyeed ay wadajir ay uga wada shaqeynayaan sidii ummad ahaan looga guuleysan lahaa Cudurkan.

“Dhammaan Hay’addaha Caalamka oo aan la xariirnay waxaan ku war gelinay in hawl kasta oo kale dhinac la dhigo, awooddana, laysugu wada geeyo la tacaalidda masiibadan, waana ku boggaadinayaa inay dhammaantood nala qaateen”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xasan.

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa xaqiijiyay in qalab caafimaad oo Dowladdu dibdda ka dalbatay uu dhawaan dalka soo gaari doono, loona qaybinayo dowlad gobaleedyada oo dhan.

Dowladda ayaa Cisbitaalka Martini oo ah Cisbitaalkii ugu horeeyey ee bukaannda COVID-19 lagu daweeyo waxay ku diyaarisay qalabkii loo baahnaa in lagu daaweeyo bukaamada uu xanuunkani haleelay, ayaa gebogebo marsiinaysa diyaarinta cisbitaalkii labaad oo loo qorsheeyay in lagula tacaalo bukaannada COVID-19 lagu daweeyo waxayna qorsheyneysaa hirgelinta Isbitaalo kale oo dheeraad ah.

Dowladda ayaa sidoo kale howl gelisay Xarunta Ambalaasyada oo si joogta ah u shaqeysa. Waxaa sidoo kale la diyaariyay dadkii iyo qaabkii loo aasi lahaa dadka u geeriyooda COVID-19.

Xarunta xariirka COVID-19 oo halbowle u ah helista xogta faraysa bahda caafimaadka samata bixinta bukaannada xaaladdodu daran tahay, talana u siiyaan kuwa talada u baahan, ayaa celcelis ahaan maalintii waxaa soo waca 5,000 muwaadin oo u baahan adeeg iyo talo caafimaad.

Ra’iisul Wasaaraha oo ganacsatada mar kale kula dardaarmay inaan sare loo qaadin beeca cunndada ayaa caddeeyay in dowladda guddi u saartay dabagalka iyo la socoshada qiimaha maciishadda, si loo xaqiijiyo in canshuur dhaafka iyo canshuur dhimista ay dowladdu sameysay looga faa’iiday shacabka Soomaliyeed.

Mudane Xasan Cali Khayre oo ugu dambeyn ku baaqay in wadajir loo qaato talooyinka caafimaad, lana caawiyo dadka nugul ayaa Allah ka baryay in fadliga cibaadada bisha barakeysan ee Ramadaan inuu dadkeenna caafimaad siiyo, kana badbaadiyo cudrkaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Guddiga qaban qaabada Munaasabada 1-da Agoosto oo la magacaabay (Magacyada)

Cabdi Cade

(Akhriso) Madaxda Dowlada goboleedyada oo war ka soo saaray qaska Siyaasadeed ee Galmudug

Caydiid Ali

Dowlada Somalia oo isbedel ku sameysay habraaca ka hortagga cudurka COVID-19 (Akhriso)

Caydiid Ali